Gaari goor dhow ku qarxay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya (SawIrro)

Qarax gaari lagu soo xiray ayaa goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho caasimada Somalia kaasoo laga maqlay jugtiisa meelo badan oo ka mid ah magaalada.

Sida ay sheegayaan wararka ay heleyso allbanaadir online gaarigan ayaa ku qarxay laami yaraha Zoope, waxaana ka dhashay khasaare nafeed.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu saarnaa oo kaliya ninkii waday, kaasoo ku naf waayey qaraxa loogu xiray gaariga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga uu lahaa xildhibaan Cartan Bidaar oo ka tirsan baarlamanka Koonfur galbeed horeyna wasiir uga soo noqday isla maamulkaas, balse lama socon gaariga xiliga uu qarxayey, waxaana ku dhintay darawalkiisa oo la oran jiray marxuum Maxamed Cali Khaliif, halka labo qof oo shacab ahaa ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada amniga oo goobta gaaray ayaa xiray wadada, iyagoo halkaas ka qaaday meydka ninka ku dhintay qaraxan oo illaa hadda aan la ogeyn waxaa uu ahaa inkastoo dadka qaarkood ay isla dhexmarayeen inuu sarkaal ka tirsan dowlada.

Qaraxyada gaadiidkooda loogu xiro masuuliyiinta iyo dadka la shaqeeya dowlada bayaa marar badan ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasoo intooda badan ku dhintay qaraxyadaas halka qaar kalena dhaawacyo iyo khasaarooyin kale geystaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -