Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Khayre kala hadlay Wasiirada ka yimid dowlad goboleedyada? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo la kulmay wasiirrada kalluumeysiga ee Dowlad goboleedyada oo soo geba gebeebey shir ay Muqdisho ugu qabatay wasaaradda Kaluumeysiga xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa ku ammaanay dadaalka iyo kulamada joogtada ah ee lagu horumarinayo kalluumaysiga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasiirrada in ay sii laba jibbaaraan wada shaqaynta si hannaan wadar oggol ah looga faa’iidaysto kalluumaysiga oo kamid ah khayraadka dalka uu leeyahay ee ka qayb qaadanaya horumarinta kobcinta dhaqaalaha dalka.

Wasaaradda Kaluumeysiga xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ku jirta tubaha siyaadda loo dhanyahay iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa hal-beegyada sannadkaan laga doonayo in ay ku guulaysato waxaa kamid ah dhismaha guddiga Kalluumaysatada Soomaaliyeed iyo samaynta suuqya kalluumaysi oo Casri ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Halis ku gedaaman safarka Rooble ku tagayo Kenya & labo qodob oo looga hortegi karo

Caydiid Ali

Maraykanka oo hakiyey taageeradii uu siin jiray milateriga Somalia & Musuq maasuq soo shaac baxay

Caydiid Ali

Haweeney lagu helay in ay katirsaneyd Al Shabaab oo lagu riday Xukun Adag

Cabdi Cade
Taboola Ads ---