Halis ku gedaaman safarka Rooble ku tagayo Kenya & labo qodob oo looga hortegi karo

Socdaalka RW Rooble ku tagayo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyo booqashadii Xoghayaha arrimaha dibadda Kenya waxaa jira khatar ku gadaaman oo u baahan xeelad iyo maskax in looga gudbo.

Muhiimadda Dawladda Kenya waa sidii cimri dheeraysi ugu heli lahayd kiiska badda, waxaana jirtay dhawr mar oo ay dawladda Kenya isku dayday inay saxiixyo u hoos galiso mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dawladihii dalka soo maray.

Sida laga dheehan karo wargaysyada dawladda Kenya waxaa ay qoraaladooda ku qeexayaan ama ciwaano uga dhigayaan, ajendaha wadahadalada Soomaaliya iyo Kenya waa muranka badda, sidaas darteed waxaa la gudboon RW Rooble laba arrimood oo kala ah.

1- In labada dawladood ee Soomaaliya iyo Kenya ay shaaciyaan in wadahadaladooda aanay qayb ka ahayn  kiiska yaalla Maxkamadda Hague ee Badda, inkastoo War murtiyeedkii ka soo baxay labada wasiir arrimo dibadeed aanay ku qeexnayn wax la xiriira arrimaha badda, haddana waa muhiin in hab cod ama qoraal ah kor loogu sheego.

2- In RW wafdigiisa ay qayb ka noqdaan sharciyaqaano iyo siyaasiyiin aqoon durugsan u leh arrimaha diblamaasiyadda, ishana ku hayaan qoraal kasta oo loo gudbinayo RW Soomaaliya.

Waxaa kale oo muhiim ah in siyaasiyiinta iyo warbaahinta Kenya ee u weecinaya wadahadalada arrimaha badda looga digo arintaas.

Waxaan hubaa inay muhiimad gaar ah u leedahay Soomaaliya soo celinta xiriirkii diblamaasiyadeed iyo ganacsi ee ay la lahayd dawladda Kenya, iyo dhamaan dawladdaha caalamka, balse waxay Kenya dheer tahay xeelado siyaasadeed oo ay ku hoos qarinayso arrimaha heshiisyada ay Soomaaliya la galayso.

Xassan Shiikh Axmed cadde
Muqdisho. Somalia

- Advertisement -