Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax lagu weeraray ciidanka dowlada oo caawa ka dhacay Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa isgoyska Ex-control Afgooye ee Magaalada Muqdisho ayaa caawa waxaa lagu weeraray bam gacmeed.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in labo qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen qaraxaas, lamana sheegin waxyeelo soo gaartay ciidamadii loo waday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen nin si weyn loogu tuhunsan yahay inuu bamka ku weeraray ciidamada.

Xaalada degaanka Ex-control Afgooye ayaa hadda degan, waxaana ciidamada dowlada ee halkaas ku sugan ay wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaaradii ugu horeysay oo uu saaray Shiinaa oo hawada sare u duushay

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo isku shaandheyn ku sameeyey Golaha wasiirada Somaliland (Akhriso)

Caydiid Ali

Dunida oo Heshay Tallaal Rajo Leh oo wax kataraya Cudurka Caronavirus

Cabdi Cade
Taboola Ads ---