Maraykanka oo hakiyey taageeradii uu siin jiray milateriga Somalia & Musuq maasuq soo shaac baxay

Maraykanka ayaa joojiyay taageeradda dhanka saadka ah ee uu siin jiray Militariga Soomaaliya ka dib markii ay soo baxday wax isdabarin lagu eedeeyay saraakiisha ciidanka

Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysa xubno ka tirsan waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka waxay sheegaysaa in xukuumadda Washington ay hakad galisay taageeradda dhanka saadka ah ee ay ku bixin jireen Milateriga Soomaaliya.

Taageerada oo iskugu jirta shidaalka iyo cunnada ayaa laga joojiyay ciidamada sababtuna waxay tahay in guddiga u xilsaaran saadka ciidanka Soomaaliya ay diideen inay hor yimaadaan guddiga ka socday Maraykanka iyo dawlada Federalka oo doonayay inay su’aalo  weydiinayaan.

Waaxda arrimaha dibbada Maraykanka waxay aaminsantahay in si aan sax aheyn loo maamulay saadka loogu talo galay ciidamada xoogga Soomaaliya, waxaana warkan lagu sheegay in Maraykanku  sii wadayo taageeradda uu siiyo ciidamada Kumandoska ee hawlgalada gaarka ah fuliya.

Waxaa Maraykanku sheegay inuu dawlada Soomaaliyana kala shaqaynayo sidii loo heli lahaa sugnaanta halka ay marto taageerada ciidanka loogu talo galay.

Guddi isku dhaf ahaa ayaa booqday intii u dhaxaysay bilihii May iyo June illaa sagaal xero oo ay degen yihiin ciidamada xooga waxaana la ogaaday inaysan helin wax raashin ah xeryahaasna waxaa ku jira illaa 5 kun oo askari.

Xeryaha qaar warbixinta waxaa lagu sheegay in askarta badankood ay iyagoo diwaan gashan haddana xeryaha joogin oo ay saraakiil gaar ah ilaalo u yihiin, iyadoo qaarna kalena askar aan hub heysan loogu tagay.

Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu joojin doono lacag dhan 100 Dollar oo askarta la siin jiray taasoo qeyb ka aheyd qorshaha taageeradda ciidanka xoogga Soomaaliya.

Maraykanku waxaa uu sheegay in ciidanka Soomaaliya uu ku bixiyay lacag dhan 66 billion oo dollar Todobadii sanno ee lasoo dhaafay hase ahaatee ay ogaadeen in lacagtaas inteeda aysan ku bixin ciidankii loogu talo galay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -