Wararkii Ugu Dambeeyay Howlgal Cir iyo dhul ah oo laga fuliyay Deegaanka Bariire

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamo Mareykan ah ayaa lagu soo waramayaa in xalay howlgal ka fuliyeen Deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose .

Howlgalka ciidamada huwanta ah ka fuliyeen Deegaanka Bariire ayaa la sheegay in uu isugu jiray duqeyn dhinaca cirka ah iyo howlgal dhulka ay fulinayeen ciidamo gaar ah oo diyaarado ka daatay.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalkii xalay lagu dilay dagaalyahano katirsan Al Shabaab sidoo kale lagu bur buriyay goobo Al Shabaab qaraxyo ku diyaarinayeen.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha weerar xalay lagu qaaday deegaanka Bariire uu isugu jiray duqeyn dhinaca cirka ah iyo howlgal dhulka ah, waxa uuna sheegay in dagaalyahano badan lagu dilay howlgalkaasi halka kuwa noolna gacanta lagu soo dhigay.

Al Shabaab ayaan wali ka hadlin weerarkan la sheegay in xalay lagu qaaday deegaanka Bariire ay maamulaan, waxaana deegaankaasi marar badan weeraro nuucaan ah ka fuliyay ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -