Qodob xasaasi ah oo isku mari la yihiin Golaha Wadatashiga iyo Madaxda oo labo garab u kala jabay

Magaalada Muqdisho waxaa wali ka socda shirka ay leeyihiin golaha wadatashiga qaran, waxaana hada shirku marayaa meel xasaasi ah oo madaxdu ka doodayaan qodobo adag oo qaarkood isku mari la’yihiin.

Qodobka hada ugu adag ee ka doodayaan golaha wadatashiga qaran ayaa ah cida masuulka ka ah amniga doorashada iyo mida dalka, waxa ayna madaxda dowlad goboleedyada u kala qeybsameen labo garab.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si cad usoo jeediyay in amniga doorashada iyo mida dalka uu masuul ka noqdo xiligan kala guurka Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Maxamed Xuseen Rooble loogana dambeeyo.

Geesta kale waxaa si adag uga soo horjeestay in amniga dalka iyo mida doorashada lagu wareejiyo Ra’isul Wasaare Rooble madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, waxa uuna cadeeyay in amniga dalka masuul ka yahay Farmaajo loogana dambeeyo.

Aragtida labada hogaamiye ee Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa kala taabacsan madaxda kale ee maamul goboleedyada, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in Madaxda Galmudug iyo Hirshabelle ku aragti yihiin Laftagareen balse wali is qarinayaan.

Shirka u socda golaha wadatashiga qaran oo galay maalintii afaraad ayaan wali jirin qodobo badan oo madaxda isku afgarteen, waxaana labada qodob uu muranka ka jiro tahay amniga cida masuulka ka noqoneysa iyo in doorashada hal magaalo lagu soo koobo.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in madaxtooyada Soomaaliya wali saameyn ku leedahay shirka ayna adeegsaneyso qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada kuwaa oo caqabad ku noqon kara in shirku uu mira dhalo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -