Nin Jirdil iyo Xabsi ku muteestay Funaanada Xulka Kubada cagta ee Qadar uu xirtay

Nin heesta dhalashada dalka  Britain ayaa lagu jir dilay sidoo kale lagu xiray dalka Imaraadaka Carabta ,kadib markii uu ninkaasi xirtay Funaanada Xulka kubada cagta ee dalka Qadar.

Cali Ciise Axmed oo 26 jir heesta dhalashada dalka Britain ayaa lagu weeraray magaalada Abu Dhabi, kadib markii markii la arkay isaga oo xiran maaliyada Xulka kubada cagta ee Qadar, waxaana ninkan weeraray dad u dhashay Imaaraadka.

Muwaadinkan Britain u dhashay ayaa la sheegay in uusan ka warqabin in dalka Imaaraadka aan laga ogoleyn magaca Qadar, waxaana markii la weeraray uu xirnaa funaanada xulka Qadar.

Warbaahinta ayaa ku warantay in ninkan markii uu tagay saldhig booliis si uu ugu wargaliyo weerarka lagu qaaday xabsiga la dhigay, waxaan ninkan la xiray markii booliiska u sheegay in Funaanada Qadar uu xirnaa markii la weerarayay.

War kasoo baxay Safaarada Imaaraadka ku leeyahay dalka Britain ayaa lagu sheegay war ka duwan warkan la baahiyay, waxa ayna Safaarada sheegtay in ninkan loo xiray dukumiintiyo been abuur ah sidoo kale booliiska waqti ka lumiyay.

Saraakiil katirsan dowlada Imaaraadka ayaa sheegay  in Axmed uu wakhtiga ka lumiyay booliska iyo inuu ku gudo jiray sameynta dokumentiyo been abuur ah, waxa ayna sheegeen in Maxkamad la horkeeni doono.

Dalal ay kamid yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa xiriirka u jaray dowlada Qadar , waxa ayna taasi keentay in dadka Qadar laga naco laguna colaadiyo dalalka Xiriirka u jaray dowlada Qadar.

Xulka kubada cagta ee Dalka Qadar ayaa dhawaan guul taariikhi ah ka gaaray kuna guuleestay koobka Asian Cup oo lagu qabtay Imaaradaka, waxaana Qadar guul darooyin xanuun badan badeen Xulal ay ku jiraan Sacuudiga iyo Imaraadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -