Allbanaadir.com
NEWS

Howlgal xoolaha looga aruurinayo wadooyinka Muqdisho oo socda (Daawo Sawirada)

Ciidamada dowlada hoose ee Xamar ayaa wada howlgalo balaaran oo xoolaha gaar ahaan lo’da looga aruurinayo wadooyinka magaalada Muqdisho , waxaana amarkan xoolaha wadooyinka looga aruurinayo bixiyay Duqa Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa magaalada Muqdisho ka hirgaliyay xarun loogu magac daray baadi qabadka xoolaha, waxaana xaruntan lagu xareeyaa xoolaha laga soo aruuriyo wadooyinka magaalada .

Ciidamada ilaalada deegaanka Xamar ayaa howlgalkii ugu dambeeyay waxa ay ka sameeyeen degmada Waabari gaar ahaan suuqa beerta halkaas oo ay buuxeen lo’ badan oo magaalada lagu soo dhax daayay.

Xoolahan wadooyinka laga aruuriyo ayaa la geeyaa xarunta baadi qabadka halkaas oo la sheego in dadkii lahaa uga daba tagaan, waxaana dadka lagu amraa in xoolahooda magaalada ka ceshadaan ama laga xareenayo lana ganaaxayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qassam oo caawa gantaalo ku weerartay gudaha Israel

Caydiid Ali

Tirada lacagta uu la baxsaday Madaxweyne Ashraf Ghani oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Q/Midoobay oo Milateriga Israel ku dartay liis madow & Netahyahu oo ka carooday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---