Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Sawirro+Video) Nin Masaajid ka xadayey Kabo oo si yaab leh loo ciqaabay

Nin la sheegay inuu kabo ka xadayay banaanka hore ee masaajid ku yaala magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa la qabtay, waxaana ciqaab looga dhigay inuu cuno basbaas sida ay sheegtay warbaahinta Kenya.

Waxaa baraha bulshada la soo dhigay Muuqaal Video ah iyo sawirro muujinaya ninkan oo lagu qasbayo inuu dhameeyo basbaas gacmaha looga buuxiyay.

Ninkan ayaa qirtay inuu doonayey kabaha inuu ka xado masjidka, uuna u geeyo nin kale oo uu sheegay inuu qiimo jaban ka siinayo.

Videoga ayaa muujinaya ninkan oo olol fara badan ka dareemaya afkiisa isagoo ku celcelinaya inuusan mar dambe ku kici doonin falka xatooyada kabaha.

Dadka ku dhaqan dalka Kenya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arintan, qaarkood way soo dhaweeyeen, halka qaar kale ay ku tilmaameen mid naxariis daro ay ka muuqato.

Sheekadan ayaa noqotay mid aad looga hadal haya dalka Kenya saacadihii la soo dhaafay, waxaana magaalada Mombasa oo ay ku badan yihiin dadka muslimiinta ah  aad looga cawdaa xatooyada kabaha marka la joogo Masaajidada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan shaki badan abuuray oo dhacay & Wasiir ka tirsan DF oo la saftay beeshiisa

Caydiid Ali

Madaxii Sirdoonka Milatariga Israel oo is-casilay iyo Sababta keentay oo la ogaaday

Cabdi Cade

Shiikh Shariif oo dhaliilay Shirkii Madasha Iskaashiga Somalia, kana digay burbur dowladeed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---