Galmudug oo Shaacisay sida laga yeelayo haddii ay qabtaan Sheekh Shaakir iyo Xubnaha la socda

Booliiska maamulka Galmudug ayaa xalay shaaciyay magacyada iyo sawirada 32-xubnood oo katirsan kooxda Ahlu Sunna uu ugu horeeyo Hoggaamiyaha Ururkaasi Sheekh Shaakir Cali Xasan,kuwaa ay ugu jiraan baadigoob lagu soo qabanayo.

Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Shaakir iyo xubnaha kale ee la socda ayaa la tuhmayaa in qaarkood u baxsadeen maamul goboleedyada Galmudug dariska la ah halka kuwa kalana ay wali ku dhuumanayaan qeybo kamid ah gobolka Galgaduud.

Taliska booliiska Galmudug ayaana ka codsaday shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi ka arrimiyo iyo deegaanada kale in ay kusoo wargaliyaan haddii ay arkaan xubnahan la baadigoobayo si loo soo qabto.

Taliyaha booliska Galmudug Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegaya in ay ku daba jiraan baxsadka kooxda Ahlu Sunna, waxa uuna tilmaamay in hada joogaan deegaano ay kooxdaasi ka baadigoobayaan.

“Hadda waxaa joogaa Matabaan iyo Guriceel dhexdooda, waxaana ku raad joognaa firxadkoodii, waxaana kaga daba tageynaa meel alaale meesha ay galaan maadama laga harsan waayay ayna dadka Galmudug u diideen amni”ayuu yiri taliyaha.

Taliyaha ayaa sheegay in kooxdan baxsadka ah ee baadigoobayaan booliiska Galmudug haddii lasoo qabto la horgeyn doono maxkamad si loo marsiiyo cadaalada looguna qaado dambiyada ay galeen.

Ciidamo daacad u ah Ahlu Sunna ayaa maalmo kahor weerar culus ku qaaday magaalada Dhuusomareeb, waxaana Ahlu Sunna ku fashilmeen in ay qabsadana magaaladaasi, waxaana duullaankaasi kadib bilowday howlgalo xooggan oo kooxdaasi lagu tirtirayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -