Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo Kismaayo ka sameeyey dhaqan aan horey looga baran (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa galabta qaar ka mid ah dadweynaha Magaalada Kismaayo wakhti kula qaatay mid ka mid ah goobaha lagu nasto ee Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa tagay xeebta Calanley gaar ahaan Hotelka Qiil-mawaaye halkaasoo qaar ka mid ah Bulshada uu kula casriyeeyay.

Waxaa Madaxweynahu uu dhiiri galiyay maalgeshiga xorta ah iyo in dadweynahu ay helaan goobo ay kaga nastaan Xiliyada shaqada iyo halganka Nolol maalmeedka.

Axmed Madoobe ayaa qaar kamid ah dadkii uu halkaas kula kulmay ka xog-waraystay tabashooyinka ay qabaan iyo aragtidooda ku wajahan fikradaha ay xambaarsan yihiin ee la xiriira Horumarka iyo dib u dhiska dalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaan inta badan lagu arkin fagaareyaasha iyo goobaha la iskugu yimaado ee magaalada Kismaayo, iyadoo talaabada uu galabta qaaday ay aheyd mid lama filaan ku noqotay dad badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Culeys siyaasadeed oo soo wajahay Farmaajo & Cali Guudlaawe oo qarka u saaran..

Caydiid Ali

Shacabka Puntland oo loo diray baaq ka dhan ah kooxda Daacish

Cabdi Cade

Jubbaland oo Eedeyn kulul u jeedisay DF uguna baaqday in faragalinta ka deyso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---