Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qof caawa lagu dilay Muqdisho & israsaaseyn ka dhacday degmada Balcad

Kooxo hubeysan ayaa caawa degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ah.

Dilka ayaa ka dhacay xaafada Xararyaale, iyadoo dad goob joogayaal ahi ay sheegeen in wiilka la dilay uu ka mid ahaa dadka degaanka.

Ragga wax dilay ayaa baxsaday, lamana oga illaa hadda sababta ay u dileen wiilka dhalinyarada ah, ciidamada booliska ayaana goobta baaritaano ka wada.

Dhinaca kale, iska horimaad hubeysan ayaa ka dhacay caawa degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe oo qiyaastii 35km woqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho.

Iska horimaadka ayaa dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowlada oo kala taabacsan gudoomiyaha iyo taliyaha nabad sugida degmadaas sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoon yahay.

Khasaare nafeed oo aan la ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay ayaa ka dhashay iska horimaadkan oo ahaa mid la isku adeegsaaday qoryaha fudud ee darandooriga u dhaca, waxaana laga kala cararay bartamaha degmada iyadoo la xiray goobaha ganacsiga.

Wararka ayaa sheegaya iska horimaadkan uu daba socdo kuwo la mid ah oo degmadaas ka dhacay maalmihii la soo dhaafay, kuwaasoo salka ku haya khilaaf dhinaca mamaulka ah oo u dhexeeya masuuliyiinta degmada oo halkaas ka taagnaa muddooyinkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xarun talis cusub oo loo dhisayo ciidanka Dhulka oo maanta la dhagax-dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Kulankii Qoor-qoor & Deni oo goor dhow soo gebageboobay (Maxaa ka soo baxay?)+Sawirro

Caydiid Ali

Dowlad degaanka Soomaalida oo war ka soo saaray laba kacleynta Jabhada TPLF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---