Wasiirada Dal Afrikaan ah oo Mushaar qaadan doona Inta Noloshooda ka harsan !!

Xukuumada Waqtigeedu dhamaaday ee Jamhuuriyada Dimuquraadiga ee Koongo ayaa meel marisay go’aan muran badan dhaliyay oo ku aadan in Wasiirada dalkaasi ay mushaar qaadan doonaan inta noloshooda ka harsan.

Wasiirada xilka ka degaya ayaa la sheegay in mushaar ka qaadan doonaan dowlada inta ay nool yihiin, waxaa sidoo kale isna Mushaar iyo dhaqaale kalaba heli doona Ra’isul Wasaaraha Xukuumada.

Xukuumada ayaa meel marisay go’aankan Wasiirada ku qaadan doonaan lacag dhan 2-Kun Dollar oo mushaar ah, waxaana lacag intaas ka badan iyo daaweyn caafimaad oo dalka dibadiisa isna helaya Ra’isul Wasaaraha.

Go’aankan ayaa muran badan ka abuuray dalka Koongada Dimuquraadiga oo dadkiisu sabool yihiin, waxaana Xukuumada go’aankan ay meel marisay ku andacootay in looga gon leeyahay in Wasiirada aysan qarash la’aan ku dhicin hadii xilka baneeyaan.

Dadka u dooda Xuquuqda aadanaha ee Jamhuuriyada Dimuquraadiga Kongo ayaa go’aankan la meel mariyay ku tilmaamay mid lagu jideesanayo in lagu sii boobo hantida dadweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -