Cali Dheere oo Faah faahiyay Sababtii ay u dileen Madaxii Shirkada DP World ee Boosaaso

Afhayeenka guud Al Shabaab ee Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo Warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay dilkii Al Shabaab u geesatay Madaxii Shirkada DP World ee dekadda Boosaaso.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in howlgalkii lagu dilay Paul Anthony Fermosa uu ahaa howlgal lagu difaacayay Kheyraadka Umada Soomaaliyeed uu sheegay in boob ku hayaan dowlado iyo shirkado shisheeye.

Waxa uu sheegay sheegay Cali Dheere in shirkadda DP World ay dhibaato ku heyso ganacsatada Soomaaliyeed islamarkaana ay dekadda Boosaaso ka Eriday shaqaalihii muruq maalka ahaa ayna keensatay shaqaale ajaaniib ah.

”Waxaan leeyahay dowladaha iyo Shirkadaha shisheeye ee doonaya in ay boobaan Kheyraadka Umada Soomaaliyeed Waad Ku Dhimanaysaan Ee Ku Naaxi Maysaan”.Ayuu yiri Cali Dheere.

Afhayeenka Al Shababa ayaa ku hanjabay in dagaal adag la gali doonaan shisheeyaha doonaya in ay boobaan kheraadka umada Soomaaliyeed , waxa uuna xusay  in umada Soomaaliyeed ay heestaan rag dhiiga u huraya si ay uga hortagana boobka Kheyraadkooda.

Hanjabaada Al Shababa kasoo yeertay ayaa kusoo aadeysa xili shalay dagaalyahan kooxdan katirsan magaalada Boosaaso ku dilay madaxii Shirkada DP World ee la wareegtay maamulka dekada Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -