Maxkamada ciidamada Qalabka sida oo Xukun dil ah ku riday Gacan ku dhiigle

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday askari katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya oo horaantii bishan magaalada Muqdisho ku dilay wiil wade ka ahaa mooto bajaaj.

Maxkamada ayaa ku heshayĀ Cali Maxamud Axmed in dil bareer ah 8-dii bishan Igooska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho ugu geestay MarxuunĀ Cabdirisaaq Yuusuf Guure oo ahaa wade mooto bajaaj halka uu dhaawacay nin kale oo sarifle ahaa.

Xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Maxkamada la horkeenay marqaatiyaal iyo cadeemo ku aadan dilkaasi iyo sidoo kale hubkii uu dilku u adeegsaday askariga.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa marar badan xukuno dil ah ku riday askar dilal u geesatay dad shacab ah oo u badnaa dhalinta Mooto bajaajta ku shaqeesata, askarta dilka lagu xukumay ayaana wali dil lagu fulin iyaga oo xabsiyada ku xiran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -