Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo kulan la qaatay qeybo kamid ah bulshada Sanaag (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay xubno matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Sanaag.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda-jira socdaalka nabadda iyo midnimada ayaa magaalada Laascaanood ee caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo, ayaa sheegay in loo baahan yahay xoojinta nabadda, midnimada, is-dhexgalka bulshada, dib- u heshiisiinta,iyo in ay doorkooda ka qaataan dagaalka Khawaarijta

Mudane Xamsa, oo tallooyin ka dhageystay odayaasha iyo wax-garadka gobolka Sanaag, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in laga wada-shaqeeyo dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo hirgalin lahaa amni iyo horumar, isaga oo xusay in kulamada uu la yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada ay saldhig u yihiin hirgalinta midnimo buuxda oo dalkeenna la gaarsiiyo.

Related posts

Magaalo Soomaaliyeed oo ku guuleysatay abaal marin caalami ah (Maxay ku muteysatay)

Caydiid Ali

Madaafiic maanta lagu garaacay Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Wasiirka Amniga oo ka digay Hab dhaqanka qaar kamid ah Masuuliyiinta dowladda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---