Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kooxda Daliban oo qarka u saaran iney qabsato guud ahaan dalka Afghanistan

Kooxda Daliban ee ka dagaalanta Afghanistan ayaa sheegtay, inay qabsadeen magaalooyinka koonfureed ee Sar-epul iyo Kunduz, xilli ay sii wadaan inay isku fidiyaan dhulka ay haystaan.

Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in ay haystaan dhammaan dhismayaasha dawladda ee Kunduz, balse sarkaal ka tirsan Wasaaradda gaashaandhigga dalkaas ayaa sheegay in ciidamo gaar ah ay weli ku sugan yihiin gudaha magaalada ayna la dagaalamayaan dagaalyahano ka soo horjeeda.

Haddii Daliban inay qabsadaan Kunduz oo loo tixgeliyo inay marin u tahay bartamaha Aasiya, waxay dhabar jab weyn ku noqon doontaa dowladda.

Sarkaal ku sugan Sar-e-Pul ayaa sheegay in inta badan saraakiisha dowladda ay u guureen saldhig ciidan oo ka baxsan magaalada.

Daliban ayaa xoojisay weeradada ay ku heyso magaaloyinka Afghanistan tan iyo markii ciidamada Maraykanka iyo kuwa NATO ayu bilaabeen ineyka baxaan dalkaas.

 

Related posts

Orodyahanno Olombikadii Tokyo Kusoo Bandhigay Soomaalinimo Cajiib Leh!

Cabdi Cade

Deni oo dhagax dhigay dhismaha Maxjarka Daarul-salaam (Sawirro)

Caydiid Ali

Galmudug oo soo saartay Amarro dhinaca ammaanka Xilli howlgalo culus socdaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---