Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Nabad Sugida oo hub kasoo furtay dagaalyahno katirsan Al Shabaab

War kasoo baxay Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal gaar ah ay ciidanka ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose kusoo furteen Hub Al Shabaab lahaayeen.

Ciidanka Nabad sugida ayaa weeraray Tuulada Farsooley oo la sheegay in Al Shabaab fariisimo ku lahaayeen, waxaana Hay’ada Nabad sugida sheegtay in howlgalkaasi lagu bur buriyay goob Shabaab Zakada ddaka uga qaadi jireen.

”Ciidanka amniga oo 2-da bishaan howlgal qorsheysan ka fuliyay goobo ka mid ah tuulada Forsooleey, ayaa hub kusoo furtay, laba goobood oo AS dadka Zakawat uga qaadi jireenna ku burburiyay. Howlgalka waxaa daba socday laba duqayn oo AS looga dilay ilaa 40 xubnood.”Ayaa lagu yiri Qoraalka NISA.

Hay’ada Nabad sugida Soomaaliya ayaa marar badan shaacisay in ciidankooda fuliyeen howlgalo lagu bur buriyay xarumo Al Shabaab lahaayeen sidoo kale lagu soo qab qabtay xubno kooxdaasi katirsan.

Al Shabaab ayaa wali awood badan ku leh gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana Shabaabka gobolkaasi deegaano katirsan mararka qaar la kulmaan weeraro uga yimaada Ciidamada Kumaandooska, kuwa NISA iyo ciidamo Mareykan ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Maxaas oo kordhay iyo dad isku qoys ahaa oo ku dhammaaday

Cabdi Cade

Dhageysiga Dacwado ka dhan ah Masuuliyiin ay ku jiraan Koofi iyo Jurus oo socota

Cabdi Cade

Gabar Dhaqan wanaaga Saaxiibteed oo Muslimad ah awgeed Islaamka ku noqotay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---