Allbanaadir.com
NEWS

Iska Hor imaad goordhaw ka dhacay Isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw iska hor imaad kooban oo u dhaxeeyay Ciidamo kawada tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya uu ka dhacay agagaarka Isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Goobjooge ku sugnaa Isgooska Soobe  ayaa sheegay in ay dagaalameen Ciidamo katirsan Xasilinta iyo ciidamo kale oo ilaalo ka ahaa xarunta Wasaarada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee kutaala agagaarka Isgooska Soobe.

Iska hor imaad daqiiqado kooban socday ayaa dhax maray labada ciidan ee dowlada kawada tirsan, walina lama oga khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkan goordhaw dhacay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Xasilinta ay damacsanaayeen in ay qorayga ka qaadaan askari ilaalo u ahaa xarunta Wasaarada, waxaana dagaal uu dhax maray ciida mo kale oo ilaalo ka ahaa Xarunta iyo ciidamada xasilinta.

Shacabkii ku ganacsanayay agagaarka isgooska Soobe ayaa kala carar iyo khal khal badan dareemay intii ay rasaastu socotay, xaalada ayaana hada ah mid dagan waxaana tagay goobta iska hor imaadku ka dhacay saraakiil katirsan ciidanka dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hub la sheegay in Al-Shabaab laga furtay oo Kismaayo lagu soo bandhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Weerar Khasaare nafeed geystay oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

Caydiid Ali

Wasiir Sabriye oo sharaxay sida loo qeybinayo 20-ka kursi ee la siiyey Ahlu suna

Caydiid Ali
Taboola Ads ---