Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo maanta loo qeybiyay Xoolo Nool  (Daawo Sawirada)

Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta u dabaal dageysa sanad-guuradii koobaad ee kasoo wareegtay markii Madaxweynaha lagu doortay Muqdisho.

Munaasabada lagu maamuusayo xuska sanad-guurada koobaad ayaa wax badan ka badalan kuwii horey loo qaban jiray oo dhaqaalo badan ku bixi jireen, waxaana munaasabadan dowlada ku taageereysa dadka danta yar iyo Ciidamada qalabka sida.

Xeryaha ciidanka Milatariga Soomaaliya ka jogaan qaar kamid ah magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ayaa maanta loo qeybiyay xoolo nool si muuraalka ciidanka difaaca ku jira loo dhiso.

Xoolo u badan ari ayaa maanta la geeyay qaar kamid ah xeryaha ciidanka Milatariga Soomaaliya si ay u qashaan , waxaana xoolahan la sheegay in ay qeybisay Madaxtooyada Soomaaliya oo maamuseysa sanad guurada koobaad ee doorashada Madaxweynaha.

Dowlada Soomaaliya ayaa joojisay in la qabto munaasabado waa weyn ay ku baxayaan dhaqaalo badan oo lagu xusayo 8-da Febraayo oo ah maalintii la doortay Madaxweynaha talada Soomaaliya haya ee Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo maanta la jimceystay shacabka Magaalada Carta ee dalka Jabuuti (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Taliska XDS oo faahfaahin ka bixiyey weeraro saaka ka dhacay J/hoose iyo Sh/hoose

Caydiid Ali

Madaxweynaha Jubbaland oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---