Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Guushii Madaxweyne Joe Biden iyo kuxigeenkiisa oo la ansixiyay iyo Trump oo….

Koongareeska dalka Mareykanka oo shir isugu yimid markii xaruntooda laga saaray taageerayaasha Madaxweyne Trump ee qabsaday ayaa si deg deg ah u ansixiyay Guushii ay doorashada ka gaareen Madaxweyne Joe Biden iyo kuxigeenkiisa Kamala Harris.

Aqalka Sare iyo Aqalka Wakiillada dowlada Mareykanka ayaa si wadajir ah u ansixiyay natiijada guusha ay ka gaareen Joe Biden iyo Kama Harris, waxa ayna meesha ka saareen diidmadii laga muujiyay codadka gobollada Pennsylvania iyo Arizona.

Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday ee Donald Trump ayaa mar kale ku celiyay in doorashada la musuq maasuqay, waxa uuna sheegay in uu aqbalayo in uu xilka ku wareejiyo Madaxweyne Joe Biden 20-ka bishan Janaayo.

“Inkastoo aan gebi ahaanba ka soo horjeedo natiijada doorashada, xaqiiqduna ay caddeyneyso, haddana xil wareejin ayaa dhici doonta 20-ka January,” ayuu ku yiri Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Trump.

Madaxweyne Trump iyo kooxdiisa ayaa ku guul dareestay sheegashadoodii aheyd in doorashada lagu shubtay, waxaana ugu dambeyn labada Aqal ee dowlada Mareykanka meel mariyeen Guusha Joe Biden iyo haweeneyda kuxigeenlka u ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Deegaanka Liverpool oo dal u aqoonsaday Somaliland

Cabdi Cade

Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo Heshiis hoose gaaray & Qodobada lagu heshiiyay(Sawirro)

Cabdi Cade

Ingiriiska oo ka yaabay waxii ka dhacay xarunta Golaha Ammaanka ee QM

Cabdi Cade
Taboola Ads ---