Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro: Adeeg lacag la’aan ah oo lagu maamuusayo sanad-guuradii 1aad ee doorashada M.Farmaajo 

Maanta oo ah 8-da bisha febraayo ayaa ku beegan sanad-guuradii koobaad ee kasoo wareegtay markii magaalada Muqdisho lagu doortay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn looga dareemayaa dabaal dega sanad-guuradii koobaad ee kasoo wareegtay doorashadii Madaxweyne Farmaajo, waxaana inta badan furan wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho .

Waxaa Muqdisho saakay ka bilowday adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah oo lagu xusayo sanad-guuradii koobaad ee doorashada Madaxweyne Farmaajo, waxaana qeybo kamid Wadooyinka laga dhisay Teendhooyin adeeg caafimaad loogu sameenayo dadka danta yar.

Teendhooyin lagu xardhay Sawirka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu arkayaa Wadooyinka Muqdisho, waxaana teendhooyinkaasi adeeg caafimaad dadka danyarta ah ugu sameenaya Dhaqaatiir iyo kal kaaliyaal caafimaad.

Dad badan oo danyar u badan ayaa la arkayaa iyaga oo saf ugu jira sidii ay uga faa’iideesan lahaayeen adeegaan caafimaad ee lacag la’aanta ah ee maanta lagu maamuusayo sanad-guuradii koobaad ee doorashada Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin hal maalin wada guursaday 7-xaas una hibeeyey min hal gaari oo Cusub (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxdii ka hadashay Caleemo saarkii Garawe oo Fuliyay hal balan ay ka qaadeen Madaxweyne Deni

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo ka Qeyb galay Xiritaanka Shirweynihii ka socday Arusha (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---