Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo lagu qaaday weerar khasaaro badan lagu gaarsiiyay

Ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay weerar culus ku qaaday xubno ka tirsan kooxda Al Shabaab oo ku dhuumaaleysanayey aagga deegaanka Aboorey ee gobolkaas.

Howlgalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada difaaca deegaanka ay ka war heleen Al Shabaab isku aruursanaysa aagga Aboorey, waxay halkaas ku qaadeen weerar cashir loogu dhigay kooxdaasi, khasaare xooggana lagu gaarsiiyey.

Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa ayaa Warbaahinta  u sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay Al Shabaab gaarsiiyeen, isla markaana howlgalkaas uu u dhacay sidii ay u qorsheeyeen.

Ciidamada Difaaca Deegaanka ayaa gacanta ku haya goobtii uu ka dhacay howlgalkaas ee kooxda Al Shabaab lagu laayey ee xalay , sida ay saraakiishu noo xaqiijiyeen.

Ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa habeen kahor sidaan oo kale weerar ugu qaaday xubno katirsan Al Shabaab oo isku aruursatay inta u dhaxaysa deegaanka Mabaax iyo degmada Aadan-yabaal, waxayna cadowga gaarsiiyeen khasaare culus, kuna guuleystay inay ka hor tagaan dhagartii ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Golaha amaanka ee QM oo War ka soo saaray xaalada ka taagan Afghanistan

Caydiid Ali

Xildhibaan ka hadlay Ciidamo Soomaali ah oo la sheegay in lagu laayay Gobolka Tigrey

Cabdi Cade

(Sawirro) Muxuu yahay shirka caalamiga ah ee Somalia kaga qeyb galayso dalka Vietnam?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---