Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Mucaaradka oo dib uga baxay xarunta Degmada Howlwadaag oo caawa qabsadeen

Ciidamo milatari ah oo ku hubeesnaa gaadiidka dagaalka kana soo horjeeda mudo kororsiga dowlada sameesay  ayaa caawa daqiiqado kooban la wareegay xarunta degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku helnay ciidankan oo ka yimid degmooyin kuyaala Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xarunta degmada ka sameeyay isku abaabul iyagoona markii dambe isaga tagay xaruntaasi.

Ciidamadan ayaana gaaray farumo ay joogaan ciidamada mucaaradka gaar ahaan agagaarka isgoosyada Sayidka iyo Dabka halkaas ay joogaan ciidamo aad u badan oo siyaasad ahaan taabacsan musharaxiinta mucaaradka .

Dhinaca kale Gudoomiyaha degmada Howlwadaag Mustaf Cali Kheyre ayaa xarunta degmada gaaray markii ay ka baxeen ciidanka milatariga ee mudada kooban xaruntaasi joogay, waxa uuna gudoomiyaha beeniyay in xaruntaasi lala wareegay.

Gudoomiye Mustaf oo muuqaal isaga soo duubay gudaha xarunta degmada ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay warka lagu baahiyay warbaahinta iyo baraha bulshada ee ku aadan in ciidamada kasoo horjeeda mudo kororsiga la wareegeen xarunta degmada.

Ciidamo badan oo milatari ah siyaasad ahaan taabacsan musharaxiinta mucaaradka kana soo horjeeda mudo kororsiga dowlada ayaa caawa ku sugan qeybo badan oo kamid ah degmada Howlwadaag gaar ahaan agagaarka xarunta degmada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo wada dedaal dalka loogu soo celinayo boqolaal Qaxooti ah

Caydiid Ali

Xildhibaan aflagaado u geystay Ra’isul Wasare caan ah oo xabsi lagu xukumay

Caydiid Ali

Beesha caalamka oo War ka soo saartay dagaalka ka dhex socda Somaliland iyo Puntland (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---