Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Weerar Ismiidaamin ah oo goordhaw lagu qaaday xero ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya

Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goordhaw lagu qaaday xero ciidamada Itoobiya ka degan yihiin agagaarka garoonka Diyaaradaha Degmada Baar dheere ee gobolka Gedo.

Qeybo badan oo kamid ah degmada Baar dheere ayaa laga maqlay qarax aad u xoogan oo ismiidaamin ah oo lagu qaaday xerada ay degan yihiin ciidamada Itoobiya ee ku sugan Degmada Baar dhaare.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa durba lagu sheegtay masuuliyada weerarkan ismiidaaminta ah ee goordhaw lagu qaaday ciidamada Itoobiya, waxa ayna Shabaab sheegeen in weerarka ka dhashay khasaaro xoogan .

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baardheere, macluumaadka hordhaca ah ee aan helayno waxay sheegayaan in dhimashada cadowga gaartay ay tahay 16 askari” ayaa lagu yiri  Al Shabaab warka kasoo baxay.

Maamulka Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada AMISOM ayaan wali ka hadlin weerarkan ismiidaaminta ah ee ka dhacay degmada Baar dheere , lamana oga wali khasaaraha rasmiga ah ee ciidamada Itoobiya kasoo gaaray weerarkan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Tiktok oo lagu ganaaxay 350-Milyan oo Dollar iyo Dambiga lagu heesto oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Qarax Khasaaro geestay oo saakay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Wafdi sare oo ka socda Urur goboleedka IGAD oo soo gaaray Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---