Qarax Khasaaro geestay oo saakay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa saakay qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu qariyay lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya xili uu marayay laamiga Taleex ee degmada Hodan.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa miino la dhigay goob uu laamiga taleex ka jab jabnaa, waxaana qaraxa lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay labo askari oo katirsan ciidanka qaraxa lagu weeraray, waxaa sidoo kale qaraxa uu dhaawac kasoo gaaray ciidamo kale iyo dad shacab ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Laamaha amaanka magaalada Muqdisho ayaan wali ka hadlin qaraxan khasaaraha geestay ee ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ciidamada amaanka qaraxa kadib howlgalo ka sameeyeen aaga uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxyada miino ee lala eegto gaadiidka ciidanka iyo kuwa masuuliyiinta ayaa kusoo badanaya mudooyinkii dambe magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, qaraxyadan ayaana mararka qaar waxyeelo waxa ay kasoo gaartaa dad shacab ah.

 

- Advertisement -