Ku dhawaad 10-kun arday oo u fariisatay imtixaanka Aakhirka Ah ee Jaamacadda UNISO

Waxaa si habsami leh uga socda xarumaha kala duwan ee jaamacadda Soomaaliya (UNISO) imtixaanka aakhirka ah ee Sannad dugsiyeedka 2018-2019 kaas oo ay u fariisteen 9,124 arday oo ka kala socota todoba kulyadood oo ay jaamacaddu ka koobantahay.

Imtixaanka oo billaabmay 30/01/2019 ayaa waxaa lagu gelayaa 1,696 maado oo semesterka dhamaaday jaamacaddu ay ku bixisay kulyadaheeda kala duwan.

Maamulka Jaamacadda ayaa ardayda oo ay ku jiraan qaar gelay imtixiaankii ugu dambeeyay ee qalin jebinta u rajeeyay in imtixaanka ay ku dhamaystaan si nabad ah.

Jaamacadda Soomaaliya oo la aasaasay sannadkii 2005, lehna tayo waxbarasho oo sare ayna ka aflaxeen kumannaan jaamiciyiin ah, ayaa ah jaamacadda ugu ardayda badan Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -