Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaar ka mid ah Shirkadaha Isgaarsiinta Somalia oo digniin adag loo jeediyey

Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa digniin u jeediyey Shirkadaha Isgaarsiineed ee ka shaqeeya Soomaaliya qaarkood, kuwaasoo aan weli ka diiwan-gashaneyn Wasaarada.

Waxaa uu sheegay wasiirku haddii ay dhacdo shirkadaha isgaarsiinta aysan isdiiwaan gelin ay tilaabo adag ka qaadi doonaan, isla markaasina aysan u ogolaan doonin inay wadanka ka sii shaqayso.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya ay sanadkan gudihiisa samayn doonto diiwaangelinta simi-carda laga isticmaalo Soomaaliya, loona samayn doono qof walba oo isticmaala simi kaarka aqoonsi iyo cadaymo la xiriira qofka qaadanaya simi kaarka, taasoo ka duwan  qaabka hadda laysku diiwaangeliyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalkii Khartuum oo Maalintii labaad galay & qaraxyo culus oo laga maqlayo

Caydiid Ali

War Deg Deg Ah: Weerar Caawa lagu qaaday Guriga uu Muqdisho ka degan yahay C/Raxmaan Cabdishakuur

admin

Dilkii Chris Kaba oo Sababay khilaaf soo kala dhax gala Dowladda UK iyo Booliiska hubka…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---