Dilkii Chris Kaba oo Sababay khilaaf soo kala dhax gala Dowladda UK iyo Booliiska hubka…

Khilaaf xooggan oo u dhaxeeya dowladda UK iyo ciidanka booliiska hubeysan ee dalkaasi ayaa meel xun gaaray waxaana khilaafkan uu sababay in askar badan oo katirsan booliiska hubeysan ay joojiyaan shaqadii ay hayeen.

Askartan shaqada joojiyay ayaa la sheegay in ay ka carroodeen xukun lagu riday askari katirsanaa booliiska huba qaataa, kaa oo maxkamadda ku heshay in si bareer ah u dilay nin kasoo jeeda bulshada madow ee ku dhaqan UK.

Saraakiisha ciidanka booliiska hubka qaata ayaana si weyn uga carrooday xukunka lagu riday saaxiibkooda, waxa ayna sameeyeen gadood ay shaqada ku joojiyeen, taa oo durba dhalisay in dowladda dhankeeda go’aan kale qaadato.

Dowladda Britain ayaa ka codsatay in ciidamada milatariga ay qayb ka qaataan howlihii ay booliiska hubka qaata wadi jireen, kaddib markii boqolaal askar booliis ahi ay joojiyeen shaqooyin ay ahayd in ay qaataan qoryo.

Xukunka lagu riday askariga dilka u geestay Chris Kaba ayaa aheyd mid si weyn indhaha loogu hayay, waxaana xukunkan soo dhaweeyay bulshada madow oo sheegay in caddaaladii ay sugayeen ay heleen.

Toogashada loo geestay ninka madowga ahaa ayaa carro badan ka abuurtay gudaha UK , waxaana jiray baaqyo lagu dalbanayay in caddaalad loo helo ninka la dilay, waxaana xukunka lagu riday askariga dilka geestay soo dhaweeyay ehelka ninka la dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -