Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dalka marti-gelinaya kulanka labaad ee Trump & Kim John un oo la shaaciyey

Dowladda Mareykanka ayaa horumar kooban oo kaliya ka sameysay wada-hadallada Nuclear-ka ee Korea-da Waqooyi, waxaaa sidaas qirtay ergeyga gaarka ah ee Washington u qaabilsan Korea-da Waqooyi, Stephen Biegun.

“Inkasta oo aan jeclaan lahayn inaan joogno meel ka fog halka aan hadda taagannahay, waxaan sameynay xoogaa horumar ah lixdii bil ee tegay, ayada oo rajadu ay tahay in wax intaas ka ballaaran ay iman doonaan.” Ayuu Biegun ku yiri khudbad uu ka jeediyey jaamacadda Stanford.

Hadalladiisa ayaa yimid toddobaadyo ka hor kulan madaxeedka labaad ee aadka loo sugayo ee madaxweyne Donald Trump iyo hogaamiyaha Korea-da Woqooyi Kim Jong Un.

Trump ayaa khamiistii sheegay in goobta iyo waqtiga kulanka labaad shaaca laga qaadi doono horaanta toddobaadka soo socda.

Waxaa aad loo werinayaa in Vietnam ay mart-gelin doonto wada-hadalla xiga ee Trump iyo Kim.

Wada-hadallada labada dhinac ayaa si tartiib ah u socday tan iyo markii Trump iyo Kim ay bishii June ee 2018 ku kulmeen magaalada Singapore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Milatariga Sudan oo Shuruudo adag hor dhigay xubnaha wadahadalka ku metalaya SRF

Cabdi Cade

Aas aasihii adeegga lacag dirista ee Cash App oo tooray lagu dilay

Cabdi Cade

Qarax gaari lagu soo xiray oo ka dhacay Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---