Xagee ku dambeeyeen 18 Mashruuc oo uu dhagax dhigay Madaxweyne Farmaajo?

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Xubnaha baarlamanka Somalia, kana mid ah siyaasiyiinta sida weyn u mucaaradsan madaxda dowlada ayaa isweydiiyey halka ay ku dambeeyeen mashaariic uu dhagax dhigay madaxweyne Farmaajo xiligii booqanayey maamulada Puntland iyo Galmudug.

xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in 18 mashruuc oo uu dhagax dhigay madaxweynaha dalka aysan jirin illaa wax ka fulay. wuxuuna xusay inaan qiimeyn lagu sameyn qarashka ku baxaya, cida bixineysa iyo heyadda bixineysa.

18 MASHRUUC OO MADAXWEYNE FARMAAJO SOO DHAGAX DHIGAY XAGEE AYAY KU DANBEEYEEN?!

18 mashruuc oo qiimayn aan lagu samayn qarashka ku baxaya. Lana sheegin cida bixinaysa qarashkaas. Sidoo kalena aan loo xilsaarin hay’ad ama shirkad fulinaysa ayaa Madaxweyne Farmaajo kasoo dhagax dhigay sanad kahor deegaanada Puntland iyo Galmudug. Su’aasha taagan maanta ayaa ah xagee ayay ku danbeeyeen mashaariicdaas?!

Akhriso mashaariicda Madaxweyne Farmaajo soo dhagax dhigay sanad kahor:

1. Wado Laami isku xirta Garoowe & Eyl (222km).

2. Wado Laami isku xirta Kala Bayr & Caluula (376km).

3. Wado Laami isku xirta Galkacyo & Hobyo (264km).

4. Wado Laami isku xirta Hobyo & Caabudwaaq (355km).

5. Dayactirka laamiga isku xira Dhuusamreeb & Gaalkacyo (235km).

6. Dhismaha Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta-Gaalkacyo-Galmudug.

7. Dhismaha Xabsiga dhexe ee Galmudug – Galkacyo.

8. Dhismaha Xarunta Xanaaneynta Agoonta Ahlusuna – Dhuusamareeb.

9. Dhismaha Dugsiga Farsamada Gacanta – Dhuusamareeb.

10. Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb.

11. Dhismaha Xabsiga magaalada Dhuusamareeb.

12. Dhismaha Jaamacadda Umadda Gaalkacyo.

13. Dhismaha Jaamacadda Umadda Cadaado.

14. Dhismaha Jaamacadda Umadda Dhuusamareeb.

15. Dhismaha Jaamacadda Umadda Caabudwaaq.

16. Dhismaha Xabsiga Caabudwaaq.

17. Dhismaha Garoonka diyaaradaha Cadaado.

18. Dhismaha Dekedda Hobyo.

Afka wax laga sheego maanta kadib ha aaminina ee ishu macalin ha idiin noqoto!

Mahadsanidiin.

Hon. Mahad Salad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -