Qorshe lagu baabi’in lahaa nidaamka boqortooyada ee dalka Norwey oo fashilmay

Baarlamaanka dalka Norwey ayaa ka soo horjeestay in dalkaas laga baabi’iyo nidaamka boqortooyada ayna noqoto Jamhuuriyad.

Sideed xildhibaan ayaa ku soo kordhay hadda marka loo eego sannadkii 2016 oo xildhibaanadu cod-geliyeen isla kiiskan.

Soo jeedintan ah in Norway noqoto jamhuuriyad waxaa taageeray xildhibaanada xisbiga SV oo dhan iyo 14 xildhibaan oo ka kala tirsan xisbiyada Arbeiderpartiet, Rødt iyo MDG.

36 xildhibaan ayaa taageersan in dalku Jamhuuriyad noqdo oo laga guuro boqortooyada iyadoo 120 ay kasoo horjeedo.

Mooshinkan waxaa keenay xildhibaano ka tirsan baarlamanka Norwey inkastoo uu fashilmay.

Soojeedintan ayaa sidoo kale lagu doonayey in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka dalka, waxaana ku jirtay qodob tilmaamaya in dalku yeesho madaxweyne la doorto, kaasoo bedeli lahaa aqalka boqortooyada ee maanta jira.

Xisbiga SV ayaa marar badan soo jeediyey qorshahan ku saabsan in dalku ka guuro nidaamka boqortooyada waxayna markii ugu horeysay soo bandhigeen sannadkii 1972.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -