Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Askarta Israel oo toogasho ku dilay Falastiiniyad 16 jir aheyd (Daawo Sawirro)

Ciidamada Yuhuuda ayaa saaka toogasho ku dilay Gabar reer Falastiin ah oo la oran jirey Samah Sahir Mubarak.

Askarta Israel ayaa la sheegay inay gabadhaasi ku toogteen kontrolka Al-Zayim oo ah halka laga galo  degaanada dadka Yuhuudda sida sharci-darradda lagu dejiyey ee Bariga magaaladda barakeysan ee Qudus.

Sarkaal u hadlay ciidamada Israel ayaa sheegay inay gabadhan la toogtay, xilli iyadoo toorey wadatay ay soo carartay goob ay joogeen ciidankooda.

Samah Sahir Mubarak oo aheyd 16 jir ka soo jeeday magaaladda Ramallah ayaa la sheegay inay u geeriyootay dhaawacyadii rasaastii ay ku fureen ciidamada Yuhuuda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowladda oo maanta xirtay agaasimayaal iyo masuuliyiin hor leh oo loo heesto Musuq

Cabdi Cade

Sida Farmaajo & Qoorqoor ugu fashilmeen ka hortagga Golaha Badbaadada Galmudug

Caydiid Ali

Mareykanka oo walaac ka muujiyey xaalada Somalia, kuna deeqay lacag dhan..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---