Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada “Dhismayaal Qurux badan oo loo dhisay Hay’addaha maaliyadda dalka

Waxaa dib u dhis balaaran lagu sameeyay qaar kamid ah xarumaha Maaliyadda dalka , waxaana dhawaan la filayaa in si rasmi ah xariga looga jaro xarumahan cusub ee loo dhisay Hay’addaha ku shaqada leh maaliyadda dalka.

Wasiirka maaliyadda Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxaan Ducaale Beyle ayaa maanta kormeer ku tagay dhisamayaasha xarumaha dib loo dhisay oo kuyaala qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa uga mahad celiyay dib u dhiska lagu sameeyay xarumaha kuyaala magaalada Muqdisho Bangiga Aduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo ka qeyb qaatay dib-u-dhiska Xarumahaan.

Xarumaha maaliyadda ee dib u dhiska lagu sameeyay waxaa kamid ah Xarunta Hogaanka ilaalada Cashuuraha Barriga, dhismaha 2aad ee W.Maaliyadda, Machadka barashada culuumta Maaliyadda iyo qaar ka mid ah xarumaha Cashuuraha ee Dagmooyinka Banaadir.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog ku aadan halka uu ka dhacayo iyo Waxa looga hadlayo kulanka Dhax maraya Farmaajo iyo Madaxdii hore

Cabdi Cade

Hadal heyn ka dhalatay Xayiraada Dowlada soo rogtay iyo Banaan baxa mucaaradka

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo shaacisay in beri ay tahay Maalinta koowaad ee bisha Ramadaan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---