Allbanaadir.com
NEWS

Dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa maanta degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen nin la sheegay in uu katirsanaa shaqaalaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in dhalinyaro biskoolado ku hubeesan ay toogteenĀ C/waaxid Maxamed Ibaahim oo kamid ahaa dadka degan Degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.

Ciidamo katirsan booliiska degmada ayaa la sheegay in ay gaareen goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada ku guul dareesteen in ay soo qabtaan ragii ka dambeeyay dilka oo goobta si deg deg ah uga baxsaday.

Ninkan la dilay ayaa la sheegay in uu katirsanaa shaqaalaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka oo ku aadan dilkan maanta ka dhacay Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

IMF oo warbixin ka soo saartay dhaqaalaha Soomaaliya ka dib deyntii laga cafiyey

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in RW Rooble uu isku soo taagayo doorashada Madaxweynaha?

Caydiid Ali

Madaxweynaha Galmudug oo Taageero kala duwan loo balan qaaday (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---