Madaxweynaha Puntland oo qaabilay danjire Gen. Mabratu Waldo (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Madaxtooyada Garowe ku qaabiley Qunsulka cusub ee Itoobiya u fadhiya Puntland Gen. Mabratu Waldo Aragay.

Madaxweyne Deni ayaa kulanka uu la qaatay qunsulka cusub ee Dowladda Itoobiya waxaa qayb ka ahaa saraakiil ka tirsan xafiiska qunsuliyada Itoobiya ee Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Qunsulka cusub ee Itoobiya u fadhiya Puntland ayaa ka mahad naqay sida maamuuska iyo leh ee Madxweynaha Puntland ugu qaabiley xafiskiisa, waxaana uu qunsulku sheegay in uu dardargalinaayo wada shaqaynta Puntland iyo Eithopia.

Dhinaca kale qunsulka cusub ee Itoobiya u fadhiya Puntland Gen. Mabratu Waldo Aragay ayaa badalay qunsulkii hore Itoobiya u fadhiyey Dowladda Puntland Mudane Asmalaash oo mudo 13 sano hayey xilka.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qunsulka cusub uga mahadnaqay booqashada uu ugu yimid, sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Itoobiya iyo Puntland ay yihiin deris, ayna wadaagaan soohdimo muhiima, isla mar’ahaantaana waxa uu  Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inay ka go’antahay dar-dargelinta wadashaqaynta ka dhaxaysa Itoobiya iyo Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -