Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Puntland oo codsi iyo digniin wada socda u soo dirtay Raisul Wasaare Khayre

Guddoomiyaha gobolka Nugaal ee maamulka Puntland Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) oo shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa  codsi iyo digniin isugu daray madaxda dowlada federaalka.

Gu’jir ayaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ka dalbaday inuu fuliyo balan-qaadkiisii ahaa in Xukuumadiisu ka qeyb qaadanayso dhismaha garoonka kubadda cagta ee Garowe.

“Kheyre markii uu yimid Garowe 1-dii Agoosto  2018 wuxuu balan-qaaday inuu garoonka kubada cagta Mirre Awaare dhigayo Roog, balan-qaadkaas wax ka fulay ma jiraan illaa hadda, Ra’iisul wasaaraha waxaan ka codsanaynaa inuu ka dhabeeyo” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Nugaal.

Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) ayaa dhinaca kale dowladda Federaalka uga digay inay ka waan-towdo dad uu sheegay in siyaasad khaldan loogu soo diro gobolka Nugaal, kuwaasoo buu yiri iska horkeenaya shacabka iyo dowladda Federaalka.

“Dowladda Federaalka, gaar ahaan Ra’iisul wasaare Kheyre waxaan u soo jeedinayaa, dadka ay arrimaha siyaasada u soo dirsanayaan oo gobolka Nugaal ka jeeda inay ka waan-toobaan, wax walba nidaam iyo waddo loo soo maro ayay leeyihiin, waa in loo soo maraa, Wasiirada iyo Xildhibaanada la soo dirayo iyo dadka halakan jooga shaqo iskuma leh” ayuu yiri gudoomiyaha.

Xiriirka dowlada federaalka iyo maamulka Puntland ayaan wanaagsaneyn in muddo ah ka dib markii maamulkaas iyo maamulo kale ay sheegeen iney xiriirka u jareen dowlada iyagoo ka tabanaya waxyaabo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Nin isku qarxiyey goob uu ka socday xuska Mowliidka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Nin ka tirsan Al-shabaab oo labadiis waalid ku dilay qarax ismiiidaamin ah

Caydiid Ali

Ciidamada PSF oo soo bandhigay Muuqaalada Dagaalyahano Ajnabi ah oo Daacish ku biiray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---