Madaxweyne Deni: “Culaysyo dhinacyada Xuduudaha ka saaran ayaa ka jirey Kismaayo” (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa dib ugu laabtay Boosaaso, kadib Caleema Saarkii Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo lagu qabtay Kismaayo.

Madaxweyne Deni ayaa mahad balaaran u jeediyey shacabweynaha magaalada Boosaaso, isimada, nabadoonada, Wax-garadka, siyaasiyiinta, masuuliyiinta sida diiran ugu soo dhaweysey garoonka caalamiga ah ee magaalada Boosaaso.

“Dabcan sidaad ka warqabtaan waxaan ka qayb galnay xafladdii caleema saarka magaalada Kismaayo ee loogu qabtay Madaxweynaha la doortay ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, runtii wuxuu ahaa caleema saar si mugleh ay Puntland uga qayb gashay, waxaa tegey Wasiiro, Xildhibaano, odayaal iyo wax-garad tiro badan oo ka mid ah bulshada Puntland, wuxuu ahaa miisaan weyn oo ay Puntland ka qayb gashay aniga iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo runtii isagu kaalin weyn kulahaa xilligii ay aasaasmaysey Jubbaland” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in Puntland markasta ka go’antahay garab istaagga dhismaha dowladnimada Jubbaland.

“Runtii shacabka Jubbaland waxay nasoo fareen salaan, waxay aad uga mahadceliyeen inaan xafladdaasi kala qayb galno iyo garab istaagga aan marwalba garab taaganahay xaaladaha ay soo mareen iyo dhismihii Jubbaland-ba, ugu dambayn Jubbaland iyadoo kaashanay Shacabka Soomaaliyeed iyo Puntland-ba lugaheeda ayay ku istaagtay, runtii ka qayb galka Puntland madashaasi waxay ahayd arrin muhiimadsiisa leh, anana waan ku faraxsanahay inaan walaalaheen kala qayb galno maadaama Puntland nidaamka Federaalka saldhig u hayd, maamulada kalena waan kala qayb gelaynaa sidan oo kale”. ayuu yiri Madaxweyne Deni.

“Magaalada Kismaayo nabadgelyadeedu taam ayay ahayd, culaysyo dhinacyada xuduudaha ka saaran ayaa jirey oo nimankii nabaddiid ka ahaa wayjoogeen, hawada iyo baddana culaysbaa ka saarnaa, dhinaca dhaqaalaha culays adag baa ka jirtey isna, waxaan rajaynaynaa ummadda Soomaaliyeed meelkastay joogaan in bulshada badan ee halkaasi ku dhaqan culayska dhaqaale ee saaran looga gurman doono” ayuu intaas ku daray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -