Masuul ku dhaawacmay iska horimaad ka dhacay Balcad & Wararkii ugu dambeeyey

Ugu yaraan laba qof ayaa lagu dilay, afar kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray israsaaseyn maanta ka dhacday degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa ku jira xoghayaha dowladda hoose ee Degmada Balcad oo israsaaseynta ay dhex martay ciidamadiisa iyo ciidamo taabacsan gudoomiyaha maamulka degmada Balcad.

Ugaas Maxamed Wali Ugaas Xuseen oo ka mid ahaa odayaal kala dhex galay labada dhinac ee dagaalamay ayaa sheegay in iska horimaadka uu ka dhashay muran la xiriira bar kontarol oo lacago lagaga qaado gaadiidka isaga kala goosha degmada Balcad iyo magaalada Muqdisho.

Khilaafka labada masuul oo muddo badan soo taxnaa ayaa hadda u muuqda inuu isku bedelay gacan ka hadal, maamulka gobolka Sh/dhexe ayaana weli ka hadlin dhacdadan.

Xaalada Degmada Balcad ayaa xiligan caadi ku soo noqotay waxaana dib u billaabmay isu socodka gaadiidka iyo dadka, inkastoo aan xal laga gaarin khilaafka sababay iska horimaadkan, ayna jirto cabsi la xiriirta in mar kale halkaas la isku fara saaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -