Abiy Ahmed oo Xaqiijiyay in Xabsiga laga sii daayay Sheekh Mohammed Hussein 

Boqortooyada Sacuudiga ayaa xabsiga kasii daysay Sheikh Mohammed Hussein al-Amoudi oo ah bilyaneer u dhashay dalka Ethiopia, waxaana Hantiilahan mudo sanad iyo bilooyin ah ku xirnaa Sacuudiga.

Sheikh Mohammed Hussein al-Amoudi ayaa kamid ahaa Hantiilayaal iyo dad kale oo magac leh  oo bishii November ee sanadkii 2017 loo xiray olole ka dhan ah musuq-maasuqa uu Sacuudiga ka bilaabay Amiir Maxamed Bin Salman.

Warkan ku aadan in lasii daayay Bilyineerkan  waxaa xaqiijiyey xafiiska ra’iisul wasaraaha Ethiopia Abiy Ahmed oo qoraal kasoo baxay lagu sheegay in xabsiga laga sii daayay Sheikh Mohammed Hussein al-Amoudi .

Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa taleefishinka dowladda Ethiopia iyo laba ilo-wareed oo Sacuudiyaan, ayaa sidoo kale sheegtay in Al-Amoudi laga sii daayey xabsigii uu ku xirnaa.

Ololihii la-dagaalanka musuq maasuqa ee Sacuudiga ay sameeyeen 2017, ayaa waxaa lagu xiray boqolaal bilyaneero iyo ganacsato, taasi oo ahayd tallaabo uu xukunka ku xajisanayey dhaxal-suge Maxamed Bin Salman.

Dadaallo lagu sii daynayo al-Amoudi ayaa billowday bishii May ee 2018, markii ra’iisul wasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed uu Bin Salman kula kulmay magaalada Riyadh, ayaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo maxaabiista u xiran boqortooyada

Bilyaneerkan Sacuudiga ku xirnaa ayaa heesta dhalashada dalka Itoobiya uu ku dhashay, waxaana ninkan la sheegaa in uu yahay kan ugu lacagta badan dalka Itoobiya isagoona shirkado iyo ganacsiyo waa weyyn ku leh dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -