Iska hor imaad khasaaro dhaliyay goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Iska hor imaad  u dhaxeeyay ciidamo booliis ah iyo kuwa Milatariga katirsan ayaa goordhaw ka dhacay Isgooska Baar Ayaan ee magaalada Muqdisho, waxaana iska hormaadka ka dhashay khasaaro kala duwan.

Sida aan wararka ku helnay ciidamo milatari ah oo watay gaari nuuca dagaalka ah ayaa laga celiyay bar koontarool ay ciidamada booliiska ku lahaayeen Isgooska Baar Ayaan, waxaana halkaasi ka bilowday rasaas ay labada dhinac is dhaafsadeen.

Khasaaro ayaa lasoo sheegayaa in uu ka dhashay iska hor imaadka goordhaw ka dhacay Isgooska Baar Ayaan, waxaana baraha bulshada lasoo dhigay sawir laga soo qaaday askari katirsan booliiska oo ku dhaawacmay iska hor imaadka.

Waa iska hor imaadkii labaad oo saacado kooban gudaheeda magaalada Muqdisho ku dhaxmara ciidamo Booliis iyo Milatari ah, shalay galab ayey aheyd markii Isgooska Maanaboolyo uu ka dhacay dagaal dgax maray labada ciidan.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin iska horimaadkan u dhaxeeya ciidamada booliiska iyo kuwa Milatariga ee ka dhacay shalay iyo maanta Muqdisho, waxaana xaalada Muqdisho maanta u muuqataa mid jawi kacsanaan ah ku jirta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -