Wadooyinka magaalada Muqdisho oo saakay xiran kadib cabsi soo korortay

Waxaa saakay xiran qaar kamid ah Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinkaasi lasoo dhigay ciidamo badan oo katirsan booliiska, kuwa Hay’adda nabad sugida iyo milatari .

Dadka magaalada Muqdisho ayaa saakay kusoo toosay wadooyinka magaalada qaarkood oo xiran laguna jaray gaadiidka ciidamada, waxaana heegan la galiyay ciidanka dowlada ee la geeyay wadooyinka la xiray.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in sababaha loo xiray wadooyinka magaalada Muqdisho yihiin cabsi laga qabo in magaalada soo galaan ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo kasoo horjeeda mudo kororsiga kuwaa oo soo gaaray Muqdisho.

Ciidamadan magaalada soo gaaray ayaa la sheegay in ay kasoo baxeen furumaha dagaalka, waxa ayna ciidamadan taageero siinayaan musharaxiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda in Madaxweyne Farmaajo talada xoog kusii joogo.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda, waxaana cabsi lasoo daristay shacabka ku dhaqan magaalada oo ka cabsi qaba in korkooda lagu dagaalamo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -