Muxuu Madaxweyne Cali Guudlaawe kala hadlay madaxda heyadda FAO?

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa maanta kulan la qaatay Hay’adda Cunada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobey ee (FAO)

Waxaa shirkaas goobjoog ahaa Wasiirka Wasaarrada Beeraha ee Dowladda Federalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir iyo Wasiirka Wasaarrada Beeraha Dowladda Hirshabeelle Maxamed Faarax Cali

Shirkan ayaa diirrada lagu saaray dhammeystirka mashaariicdii horay u socotay, bilaabida mashaariic cusub iyo qaabteynta howlaha labada dhinac hor-tebinta u leh.

“Dowladda Hirshabeelle waxa ay diyaar u tahay wax walba oo dhankeeda ah, si loo qabto howl-hufan oo labada dhinac taariikh u sameyso.” ayuu yiri madaxweyne Guudlaawe.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ka mahadceliyay dadaalka FAO ay ku bixineyso deeganada Dowladda Hirshabeelle.

- Advertisement -