Xafladii caleemo Saarka Madaxweynaha Puntland oo soo gebagebowday (Sawirro)

Xafladii caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa caawa  1:30 saq dhexe ee habeenimo  lagu soo gebagebeeyey magaalada Garoowe

Madaxda Qaranka, kuwa dowlad goboleedyada, siyaasiyiin kala duwan oo ay ku jiraan kuwa mucaaradsan dowlada federaalka, wakiilada beesha caalamka iyo xubno kale ayaa ka qeyb galay munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo qaban-qaabiyey.

Fanaaniin ka kala timid gudaha iyo dibeda dalka ayaa ku soo bandhigay xaflada heeso iyo suugaan wadani ah oo ka turjumeyay munaasabada caleemo saarka.

Madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada madaxdii hore ee qaranka iyo xubno kale ayaa xaflada ka jeediyey khudbado kala duwan.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa sheegay in maamulkiisu uu xiriir wanaagsan la yeelan doono dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada kale ee ka jira dalka, isagoo shacabka Puntlanda u balan-qaaday inuu la iman doono waxqabad muuqda.

Madaxweynaha dowlada federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo oo gebagebadii xaflada khudbad ka jeediyey ayaa u hambalyeeyey madaxweyne Deni, isagoo balan-qaaday in dowlada federaalku ay gacan ku siin doonto gudashada waajibaadkiisa isaga iyo madaxda la midka ah.

Farmaajo ayaa u mahad celiyey Madaxweynihii hore ee Puntland C/wali Gaas oo uu sheegay inuu la yimid waxqabad balaaran mudadii uu xilka hayey, wuxuuna madaxweynuhu ku baaqay in la is cafiyo, dhinaciisana waxaa uu sheegay inuu cafiyey cid kasta oo wax ka tabaneysay, wuxuuna codsaday in lab furnaan iyo daacadnimo ah lagu wada shaqeeyo.

“Mucaarad waan u baahan nahay laakiin waa kee, waa midka wax dhisaaya ee aan shisheeye la soo safan, dowladiisana dumineyn” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Khudbada Madaxweynaha nuxurkeeda oo dhameystiran iyo khudnadaha goobta laga jeediyey oo aad u faro badnaa waxaan idinkugu soo gudbin doonaan wararkeena soo socda insha ALLAAH.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -