Ganacsade Turki ah oo Xiriir dhaw la leh William Ruto oo Joma Kenyatta lagu xiray

Ciidamo katirsan booliiska dalka Kenya ay wehliyeen Saraakiil ka socotay waaxda Socdaalka dalka Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi ka xiray ganacsade caan ah oo u dhashay dalka Turkiga.

Harun Aydin ayaa si deg deg ah ciidamada gacanta ugu dhigeen markii uu kasoo degay garoonka diyaaradaha , waxaana ganacsadahan loo kaxeeyay Xafiiska La-dagaalanka waxa loogu yeeray Argagixisada, waxaana markii dambe loo sii gudbiyay saldhig booliis.

Ciidamada dambi baraista ee wareestay ganacsadahan ayaa la sheegay in wax ka weediiyeen isfahan Sharci uu ku joogo Kenya iyo waxay tahay Shaqada uu ka hayo Kenya ka sokow Qaaradda Afrika.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku warantay in ganacsadahan Turkliga ee la xiray la sii diyaariyay qorshaha xarigiisa inta uusan kasoo duulin dalka Uganda, waxa ayna sheegeen ganacsadahan in xiriir dhaw la leeyahay Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto.

Ganacsadahan Kenya lagu xiray ayaa iska leh Shirkada Maalgashiga Tamarta Afrika ee loo yaqaano Unit 2HA Investment Energy Africa Ltd, wuxuuna Fasaxa Shaqo ka haystaa Waaxda Adeega Socdaalka Kenya oo la bixiyey bishii June 30-dii ee sanadkan 2021-ka, kaasi oo dhici doona bishaJune 29-da ee sanadka, 2023-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -