Xafladii caleemo saarka madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Puntland ayaa goor dhow ka bilaabatay magaalada Garoowe

Madaxda Qaranka, kuwa dowlad goboleedyada, siyaasiyiin kala duwan oo ay ku jiraan kuwa mucaaradsan dowlada federaalka, wakiilada beesha caalamka iyo xubno kale ayaa ka qeyb galaya munaasabadan.

Kooxo fanaaniin ah ayaa ku soo bandhigaya goobta heeso iyo suugaan kale oo lagu madadaalinayo martida ku sugan caawa magaalada Garoowe.

Madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo xubno kale ayaa xaflada ka jeedin doona khudbado lagu soo qaadi doonin wax ka baxsan ka hadalka munaasabada caleemo saarka.

Xaalada magaalada Garoowe ayaa caawa ka duwan sidii hore waxaa la joojiyey dhamaan socodkii gaadiidka magaaladaas, ciidamada amaanka ayaa meel walba taagan kuwasaoo  goobaha aan la ogoleyn ka celinaya dadka iyo gaadiidka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -