Al Shabaab oo soo bandhigtay Gaari Gaashaaman ay ka qabsadeen Milatariga Somalia (Daawo Sawirada)

Al Shabaab ayaa deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose kusoo bandhigtay gaari gaashaaman oo ay lahaayeen Milatariga Soomaaliya, waxaana Shabaab gaarigan kala wareegeen ciidankii watay.

Gaarigan Gaashaaman ay lahaayeen Milatariga Soomaaliya ayaa Shabaab waxa ay ku xireen calankooda waxaana dusha sare iyo gudaha gaarigan ka fuulay dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Al Shabaab ma sheegin sida ay ku qabsadeen gaarigan iyo waliba xiliga ay qabsadeen, waxaana gaarigan Gaashaaman kamid yihiin gaadiid dowlada federaalka gaar ahaan Milatariga deeq ahaan loo siiyay.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa marar badan weeraro ay ku qaadeen xeryo ay leeyihiin ciidanka milatariga Soomaaliya ku qabsaday gaadiid dagaal , hub kala duwan iyo sidoo kale saanado ciidan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -