Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray RW Abiy, Mustafe Cagjar & Axmed Shide? (Sawirro)

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa kulan isugu yeeray magaalada Addis ababa madaxweynaha Maamulka Somali State Mustafe Maxamuud Cagjar iyo wasiirka Maaliyadda ahna guddoomiyaha xisbiga talada haya ee maamulka Soomaalida Axmed Shide.

Kulankan ayaa yimid ka dib khilaaf soo kala dhex galay labada nin oo isku maan dhaafay arrimaha siyaasada gobolka Soomaalida, waxaana murankooda uu gaaray meel adag.

War kooban oo lagu qoray Bogga Twitter-ka ee Ra’isal Wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in Mustafe Cagjar iyo Axmed Shidde ku heshiiyeen sii wada shaqeynta iyo in laga shaqeeyo horumarinta Maamulka Soomaalida.

Abiy Ahmed wuxuu intaas ku daray inuu kulanka ku soo dhammaaday isagoo siiyey tilmaan ay ku xoojin karaan horumarka Gobolka. Waxay kaloo labada mas’uul ka heshiiyeen isbedelka lagu sameynayo xisbiga talada haya ee DDSI.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Eedeymo musuq oo ku soo baxay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada arrimaha dibeda DF

admin

Raisul Wasaare Rooble oo Doha kula kulmay Sheekh Khalid Bin Khalifa (Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Baaq Deg Deg ah kasoo saaray Xaalad Adag oo taagan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---