RW Khayre oo kormeeray Bankiga dhexe & xarumo uu ka socdo dib u dhis (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray Bankiga dhexe iyo xarunta Wasaaradda Maaliyadda si loo dardar geliyo hal-beegyada ku jira tubta horumarinta dhaqaalaha ee sida gaarka ah fulintooda looga doonayo maamulka Bankiga iyo wasaaradda maliyadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoonka bankiga dhexe oo uu la kulmay waxa uu ka xog waraystay shaqooyinka ka socda bangiga iyo horumarrada la gaaray, isagoo kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu hagaajinayo hannaanka bixinta lacagaha.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayuu ra’iisul wasaaruhu kula kulmay xarunta wasaaradda, waxa uu kala hadlay heerka uu marayo qorshaha cafinta daymaha, waxa uuna faray dardar-gelinta hannaanka dawladdu ay dib ula fal gelayso hey’adaha dhaqaalaha iyo lacagta aduunka si loogu guulaysto himilooyinka umadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaarahaoo u kuur gelaya hannaanka dhaqan gelinta halbeegyada tubta arrimaha bulsahda ayaa kormeer ku tegay goobaha uu ka socdo ololaha is-xilqaaan ee dib loogu dhisayo xarumaha dawladda, wadooyinka iyo dhismyaasha taariikhda u leh Soomaaliya.

Maktabadda qaranka, Tiyaatarka, Madxafka iyo taallada Xaawo Taako oo dhammaan uu ka socdo ololaha is-xilqaan ee dadka Soomaaliyeed ay dib ugu dhisanayaan dalka ayuu ra’iisul wasaaruhu ugu tegay hawl-wadeennada dawladda ugu xil-saaran is-xilqaan, mas’uuliyiin iyo shaqaala dawladeed oo ku guda jiray ololaha.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hawl-wadeennada ku dhiirri geliyay in ay laba jibbaaraan dadaalka dib u dhiska dalka iyo ololaha is-xilqaan si xilli dhaw loogu guulaysto dib u dhiska dalka guud ahaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -